U bood dhigaalka

Waa Kuwee Jaamacadaha Ugu Horreeya Dunida Ee Laga Barto Culuumta Dhaqaalaha?

Sheeko:Dalka

Shirkadda Ingiriiska ah ee Qiimeynta waxbarashada sameysa ee la yiraahdo “QS” ayaa soo saartay qiimaynteedii sannadlaha ahayd ee jamaacadaha ugu wanaagsan Adduunka.

Qiimeynta “QS” ayaa si gaar ah loo eegaa sumcadda Jaamacadda iyo macallimiinta wax ka dhiga, shaqaalaheeda iyo tirada cilmibaarista ay jaamacaddu faafiso.

Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa 10-ka jaamacadood ee ugu wanaagsan ee Dhaqaalaha lagu barto:

  1. Mac’hadka Massachusetts ee Teknoolajiyadda

Machadkan waxa uu qiimeynta ka helay 100 dhibcood laba Kulliyadood, halka dhibcaha guud ee uu machadku haystaa dhammaan Kulliyadaha kala duwan ay tahay 98.2 dhibcood.

Waxaa xiriir la leh dhaqaalyahannada adduunka ugu caansan oo wax ka dhiga ama ka soo baxay.

  1. JaamacaddaHarvard 

Waa jaamacadda adduunka ugu wanaagsan qiimeynta sanadka ee “QS”, laakiin kulliyadda dhaqaalaha waxa uu kaga jirtaa kaalinta Labaad.

  1. Jaamacadda Stanford
  2. Jaamacadda California, Berkeley
  3. Kulliyadda mLondon ee dhaqaalaha iyo culuumta siyaasadda.
  4. Jaamacadda Princeton
  5. Jaamcadda Chicago
  6. Jaamacadda Oxford
  7. JaamacaddaYale 
  8. JaamacaddaColumbia

Goobjoog News