U bood dhigaalka

Waa Maxay Cudurka Dabeysha?

Sheeko:Caafimaadka

Cudurka dabeysha waa cudur uu sababo Virus, waxa uuna keeni karaa qofka inuu noqdo naafo, waxa uuna ku badanyahay da’da caruurta,  sidoo kale cudurka waa la kala qaadaa.

Waa maxay calaamadaha lagu garto cudurkani?

Cudurkani 99% wax calaamad ah malahan, waxa loo yaqaanno dabeysha ama Polyada kiisaska waxa uu ka yahay 1%, calaamadaha cudurkani 99% qofka waxa ay soo maraan iyaga oo aan la heyn calaamado lagu garto oo uusan dareemeynin qofka.

Waxaa jira mararka qaar calaamado yar oo lagu garto sida cunto cunista qofka oo yaraato, lalabo kuwaas ah oo ah calaamadaha ugu yar oo lagu garan karo cudurkani dabeysha.

Maxaa sababa Cudurka Dabeysha?

Cudurkani waxaa sababa Virus loo yaqaanno Polyo Virus,kaasi oo ah mid la kala qaado waxaana lagu kala qaadaa in Viruska uu qofka laqo, waxa uuna ku laqi karaa habab badan sida, qof ayaa saxaroonaya isaga oo sifiican aan is kaga dhaqin gacantii ayuu afka gashan karaa sidaasna uu ku yimaado cudurka.

Cudurkani maxauu xiriir la leeyahay?

Waxa uu xiriir la leeyahay nadaafad darrida oo ay ka mid tahay saxarada oo aad la is kaga fogeynin sida in aan musqulaha aan lagu saxaroonin oo banaanka lagu saxaroodo iyo in gacmaha aan lagu dhaqin saabuun saxarada ka dib wax yaabahaas oo idil waxa ay ka mid tahay siyaabaha keenaya in cudurkani la isku gudbiyo.

Side looga hortagi karaa cudurkani?

Waxaa jirta labo qodob oo asaasi ah oo looga hortagi karo cudurkani kuwaas oo kala ah talaalka iyo nadaafadda oo aad loogu dadaalo waxa ayna yareyn karaan khatarrda uu leeyahay cudurkani.

Cudurkani bulshada qeybahee ayuu ku badanyahay?

Cudurkani waxaa uu ku badanyahay caruurta shanta sano kayar sababtoo ah difaaca jirkooda ayaa aad u yar waxaana aad ugu nugul ilmaha yar.

Cudurkani daawo ma leeyahay?

Cudurkani wax dawo ah malahan kaliya waxa uu leeyahay ka hor tag, waxaana looga hortagi karaa talaalka iyo nadaafadda oo lagu dadaalo.

Goobjoog News