U bood dhigaalka

Waa Maxay Damaca Kenya Ee Soomaaliya? (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa xilligan waxa ay cirka kusii toleysaa xiisadda Dimlomaasiyaseed ee kala dhaxeysa Soomaaliya, taasi oo hadal hayn badan ay ka dhalatay.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in Kenya ay dooneyso xilligan iney qaadato dhul hor leh oo Soomaaliyeed, taasna waxaa loo sababeeyey hadalladii kala duwanaa ee dowladdaasi kasoo baxay.

Aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubad oo u warammay Goobjoog wuxuu sheegay in sababta ugu weyn ee Kenya xiriirkii kala dhaxeeyey Soomaaliya u xumeysay ay tahay marin habaabinta go’aanka maxkamadda cadaaladda ee kiiska badda.

Wuxuu sheegay aqoonyahankan in Kenya ay ogaatay in looga gacan sarreeyo kiiskaasi, sidaasi darteedna waxay sameeneysaa waddo walbo oo wax lagu joojin karo ama ugu yaraan dib loogu dhigo karo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News