U bood dhigaalka

Waa Maxay Heshiiska La Xiriira Burcad Badeedda oo ay Galeen Itoobiya iyo Turkiga?

Sheeko:Amniga

Golaha wasiirada dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka heshiis iskaashi oo dowladda Itoobiya ay la gashay dalka Turkiga.

Heshiiska labada dhinac ay gaareen ayaa ka kooban Iskaashi dhanka ciidamada ah iyo  la dagaalanka burcad badeedka.

Golaha wasiirada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska dowladda ay la soo gashay dalka Turkiga, taas oo ka dhigan in turkiga uu qayb ka noqon doono tababaridda ciidamada Itoobiya.

Abiy ayaa heshiiska Ankara ku soo saxiixay August sanadkii hore 2021 mar uu booqasho ku tagay dalka Turkiga , halkaas oo uu madaxda kala duwan ee dalkaas kulamo kula qaatay.

Is-afgaradkaan ayaa sara u qaadaya xiriirka labada dhinac ee Itoobiya iyo Turkiga ay leeyihiin ee dhanka waxbarasahada, tababarka ciidamada, dhoolatuska militeriga iyo dhismaha adeegyada difaaca Itoobiya.

Waxaa si aad ah indhaha u soo jiitay heshiiska la dagaalanka Burcad badeedda, taas oo tuhun badan dhalisay, iyadoo la ogyahay in Itoobiya aysan laheyn wax bad.

Goobjoog News