U bood dhigaalka

Waa Maxay Sababta Dib Loogu Dhigay Doorashada Madaxweynaha Ee Galmudug?

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa maalintii shalay ahayd ku dhowaaqay in dib loo dhigay doorashada madaxweynaha maamulkaasi, taa oo lagu waday iney dhacdo 30-ka bishan April.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada ee Galmudug Maxamed Nuur Diini oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sharaxaad dheer wuxuu ka bixiyey sababaha ka dambeysay in dib loo dhigo doorashada.

Wuxuu sheegay golaha wasiirada Galmudug iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaasi ay isla garteen in dib loo dhigo doorashada muddo Saddex cisho ah, sababtuna wuxuu ku sheegay in la doonayo iney kasoo qeybgalaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa beesha caalamka.

“Saddex maalin wax badan ma ahan, waana waqti lagu casuumi karo madaxda dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, go’aanka 30-ka April wuxuu ahaa heshiis dhexmaray dowladda iyo Galmudug, Galmudugna waxay xaq u leedahay in ay jaangoyso waqtigii doorashada, caqabad gaar ahna ma jirto” ayuu yiri wasiir Diini.

Saddexda bishan May oo ku beegan Arbacada soo socota ayeey ku beegan tahay doorashada madaxweynaha ee maamulka Galmudug, waxaana doorashadaasi u taagan Saddex musharrax.

Goobjoog News