U bood dhigaalka

Waa Maxay Shaqada Bangiga Dhexe Ee Federaalka Ah?

Sheeko:Dalka

Bangiga dhexe ee federaalka ah hadda uma sameysna qaab bangi dhexe, mana qabto inta badan shaqadii laga rabay bangi dhexe.

Bangiga waxaa uu si rasmi ah bangi dowladeed ahaan u noqday xilligii dowladii madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa hadda shaqadii markaas lagu bilaabay iyo laamihii waxba laguma darin.

Haddaba, Dastuurka Qodobkiisa 123aad ayaa qeexaya shaqada bangiga dhexe ee federaalka

(1)         Sharci baarlammaanka Federaalku ansixiyay ayaa lagu dhisiyaa Bangiga dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(2)         Bangiga dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda maaliyadda iyo lacagta, bangiyada oo dhammina waxay u hoggaansamaaan xer-nidaamiyayaasha uu dhejiyo Bangiga Dhexe ee Federaalka.

(3)         Xilaalka ugu mudan hawlaha Bangiga Dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa weeye:

(a)        Soo saaridda lacagta

(b)       Hubinta negaanshaha ascaarta

(c)        Negaanshaha heerka sarrifka; iyo

(d)       Nidaam bangi oo maangal ah.

(4)         Siyaasadda maaliyaddu waa inay ku tiirsanaato dhaq-dhaqaaqa suuqa ee aan go’aanno maamul saldhig looga dhigin amah-bixinta.

(5)         Bangiga Dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay awood madaxbannaan oo dhammaystiran oo uu ku guto siyaasadda lacagta.

(6)         Bangiga Dhexe ee Federaalka waa Bangiga Keydka Qaranka.

Xukuumadda

Goobjoog News