U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Amni ee Baraawe?

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka xoogga ee degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose Cabdi raxmaan Cilmi Jimcaale ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay ku guuleysteen in ay sugaan nabadgelyada degmada iyo midda Garoonka Diyaaradaha.

Taliyaha oo Goobjoog News la hadlay ayaa xusay in ciidanka ay aad is kugu fidiyeen waddooyinka ka baxa degmada ee dhanka magaal ooyinka Kismaayo, marko iyo dhanka Sablaale, waxaana uu yiri” Aminaga magaalada aad ayuu u wanaagsan yahay oo waxaa ay ku faafsan yihiin farayaroow, oo diyaaradaha dagaaya amnigooda laga xaqiixinayaa, ciidamadu hadda waxaa ay magaalada u jiraan 15-16 KM oo dhinac waliba ah”.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay wadada xariirisa Marka iyo Baraawe ay wax badan ka qabteen sida uu sheegay taliyaha ciidanka xoogga  ee degmada Baraawe” Ciidanku wax badan ayey ka qabteen ilaa 15km oo dhanka Xamar ah, wadada Kismaaya aadana 18 km ayey ciidanku gaareen oo laamiga wadada Kismaayo aada ah, iyo 16km oo dhanka Sablaale ah ayaan ka sugnaa ammaanka, ciidanku wax badan ayeey ammaanka Baraawe sugeen oo ay ku nabad galeen 5 sano ayeey ku dhaw yihiin”.

Dhanka kale taliye Cabdi raxmaan Cilmi Jimcaale ayaa carabka ku adkeeyey in diyaarada ay si nabad ah uga soo dagaan ugana duulaan garoonka diyaaradaha, ayadoo dhowaan dayactir lagu sameeyay garoonka waxaana uu yiri” ammaanka Garoonka Diraadaha aad ayuu u waangasan yahay oo si wanaagsan ayey u soo dagaan ugna duulaan diyaaradaha , ammaankuna waa mid 100% la is ku haleyn karo, ciidama xoogga dalka iyo amisom oo is garabsanaya ayaa gacanta ku haya ammaanka magaalada iyo waliba midka Garoonka”.

Ugu danbeyn Taliyaha ciidanka xoogga ee degmada Baraawe Cabdi raxmaan Cilmi Jimcaale, ayaa sheegay in in ciidamada xoogga iyo bulshada magaalada ay ka dhaxeyo wada shaqeyn wanaagsan” Haddiii aysan wada shaqeyn naga dhaxeyn magaaladu ammaan manoqoteen, wada shaqeyn buuxda ayaa naga dhaxeyso oo aan ku kalsoon nahay oo aan xaqiijinay ayaa nagala dhexeysa bulshada”.

Goobjoog News