U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Deegaanka Af-urur Ee Gobolka Bari?

Sheeko:Amniga

Maamulka deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee deegaankaasi, halkaasi oo shalay ay dib ula wareegeen ciidamada Puntland.

Maxamed Geeddi Saalax, guddoomiyaha deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid deggan, islamarkaana ciidanku ay howlgallo wadaan.

Wuxuu guddoomiyaha tilmaamay in markii ciidanku ay shalay la wareegeen deegaankaasi ay isku gadaameen guud ahaan xaafadaha Af-urur, islamarkaana amniga ay xaqiijiyeen.

“Xaaladdu wey deggan tahay, ammaankuna waa uu sugan yahay, ciidamadu sababo ciidan bay u baxeen, hadane waa ay kusoo laabteen deegaankooda” ayuu yiri guddoomiyaha.

Al-shabaab ayaa la wareegay markii ciidanka Puntland isaga baxeen deegaanka Af-urur, hase ahaatee shalay ayeey dagaal la’aan isaga baxeen.

Goobjoog News