U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Deegaanka Baar Sanguuni

Sheeko:Amniga

Wararka laga helayo Baar Sanguuni ayaa sheegaya in hadda xaaladda deegaanka ay tahay mid degan ka dib markii saakay ay weerara ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab.

Inta la hubo wadarta guud ee dagaalladan waxaa ku dhimatay ku dhowaad 10 qof, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Cabdi Casiis Abuu Muscab oo Afhayeen u ah dagaalyahannada Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ku dileen 27 askari, kuwo kalena ku dhaawaceen, isaga oo dhanka kale tilmaamay iney la wareegeen Baar Sanguuni.

Saraakiil diiday in Magacooda laga baahiyo Warbaahinta ayaa Goobjoog News u sheegay in weerarka lagu soo qaaday ay iska difaaceen deegaankana ay ciidamada Jubbaland gacanta ku hayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda Sheegtay in weerarkii Saakay ka dhacay Baar Sanguuni ay ku dishay 87 ka tirsan dagaalyahannada Alshabaab.

Ma jirto ilo kale oo madax bannaan oo xaqiijinaya guusha ay sheegatay Al-shabaab, balse dagaalkii saakay ayaa ahaa mid Al-shabaab qudhooda ay iska caabin adag kala kulmeen ciidankii halkaasi joogay.

Baar Sanguuni ayaa muddo badan waxaa ka talinayay Alshabaab waxaana dhowaan kala wareegay Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News