U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Deegaanka Ceel Afweyn Ee Shalay Dagaallada Ka Dhaceen

Sheeko:Dalka

Wararka saakay oo Khamiis ah ka imaanaya deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xaalad deganaansho ah, kadib markii ciidamada Somaliland ay kala dhexgaleen maleeshiyaadkii is hayey.

Ciidamadan oo shalay gabaldhacii gaaray halkaasi ayaa isla xalay waxay soo rogeen bandow, kaasi oo guud ahaan ka dhaqan galay deegaankaasi.

Waxgaradka gobolka Sanaag ayaa wada dedaalladii ugu dambeeyey ee lagu qaboojinayo xiisaddan, si Labada dhinac u wadagalaan wadahadallo rasmi ah.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa shalay sheegay in ka maamul ahaan ay waqti badan gelin doonaan sidii aanay mar kale dagaallo uga dhici lahayn deegaanka Ceel Afweyn.

In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Ceel Afweyn, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada