U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Deegaannadii Ay Ku Dagaallameen Ciidamada Roobow Iyo Kuwa Al-shabaab?

Sheeko:Dalka

Deganaanshiyo aan cago badan ku taagneyn ayaa saakay oo Khamiis ah laga soo sheegayaan deegaannada Abal iyo Yabaal oo ka tirsan gobolka Bakool, kuwaasi oo shalay ay ku dagaallameen ciidamo kala taabacsan Al-shabaab iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Dad ku dhow halkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, inaanu jirin wax dagaal ah, balse ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo Labada dhinac ay kala wadaan.

Al-shabaab ayaa ciidan gurmad ah geeyay nawaaxiga deegaannada lagu dagaallamay, halka ciidanka Roobow iyana la sheegay iney galeen difaacyo.

Dhanka kale, ciidamada Koonfur Galbeed ayaa la sheegayaa iney ku dhowaadeen deegaannada lagu dagaallamay.

Dagaalkii shalay ka dhacay Bakool waxa uu sababay dhimashada in ka badan 15 qof iyo dhaawaca 20 kale.

Goobjoog News