U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Degmada Caabudwaaq?

Sheeko:Dalka

Deganaansho aan cago badan ku taagneyn ayaa saakay laga soo sheegayaa degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud kadib dagaal beeleed shalay ka dhacay degmadaasi.

Waxgaradka dhinacyadii ku dagaallamay degmadaasi ayaa wada waan waan ay ku kala qaboojinayaan Labada dhinac si mar kale aan degmadaasi loogu dagaallamin, inkastoo shacabkii ku dhaqnaa xaafadihii lagu dagaallamay ee degmadaasi billaabeen in halkaa ay ka barakacaan.

Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sababay dhimashada ugu yaraan Afar qof iyado dhaawaca 10 kale, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee degmadaasi.

Degmadan oo maamul ahaan hoostagta Galmudug waxaa kusoo noqnoqday dagaallada u abaabulan qaab beeleedka iyadoo marar badan sidan oo kale uga dhaceen dagaalladaasi.

Dhanka kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud xiriir aynu la sameynay waxay sheegeen in dhankooda ay wadaan xal ka gaarista colaadda degmadaasi.

Goobjoog News