U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Degmada Cadaado Oo Shalay Lagu Dagaallamay?

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi saakay oo Isniin ah laga dareemayo xaalad deganaanshiyo ah.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Nabad sugidda iyo maleeshiyaad Isbaaro dhigtay ayaa shalay ka dhacay degmada Cadaado, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey 8 qof, waxaana ku dhaawacmay 15 ruux oo shacab u badan, kuwaasi oo lagu daweynayo isbitaalka degmadaasi.

Waxgarad iyo mas’uuliyiin ku sugan Cadaado ayaa wada dedaal ay ku doonayaan in mar kale aanay kusoo noqon degmadaasi wixii shalay dhacay.

Dhanka kale, halkii lagu dagaallamay ayaa saakay waxaa si caadi ah u isticmaalaya gaadiidka, iyadoo aanay jirin wax lacag ah oo gaadiidka laga qaadayo.

Goobjoog News