U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Degmada Wanlaweyne Ee Sh/hoose?

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa shalay wuxuu ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan dagaalladaasi waxaa ku dhintey 7 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Maamulka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay iney socdaan dedaallo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalladan, laguna qaboojiyo xiisadda.

Maxamed C/laahi Cumar oo ka mid ah maamulka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in dagaalkan uu markiisii hore ka bilowday isbaaro gaadiidka lacago baad ah looga qaadayey, haatanna uu isku bedalay aano qabiil.

“Annaga waxaan wadnaa dedaallo lagu xallinayo xiisaddan, horey waan u wadnay hadana waan sii xoojineynaa” ayuu yiri Cumar.

Dhanka kale, ciidamo ka tirsan DFS ayaa ku baxay meelihii ay ku dagaallameen maleeshiyaadkan, si xaaladda loo qaboojiyo, iyadoo maantana xaalku yahay mid deggan.

Goobjoog New