U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb?

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan iney deggan tahay xaaladda magaaladaasi, kadib markii xalay halkaasi dagaal kooban uu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidan ilaalo u ahaa hoggaanka Ahlu-sunna Waljameeca.

Waxaa dib usoo noqday isku socodkii magaalada, ganacsigii iyo sidoo kale dhammaan adeegyada bulshada oo xalay hakad galay.

Dhuusamareeb waxaa ku sugan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana uu xalay la kulmay saraakiisha ammaanka magaaladaasi, isaga oo ka wareystay wixii dhacay.

Dhanka kale, waxaa jira guddi baaris ah oo loo saaray shaqaaqadii ka dhacday Dhuusamareeb, gaar ahaan nawaaxiga xarunta Inji.

Mas’uuliyiin Ahlu-sunna ah ayaa sheegay in dagaalkii xalay dhacay uu ahaa weerar dhankooda lagu soo qaaday, lana damacsanaa in waxyeello la gaarsiiyo mas’uuliyiin iyaga kamid ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News