U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb?

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in maamulka iyo ciidamada Ahlu sunna ay weli joogaan qeybo ka mid ah magaalada.

ilo ku sugan magaalada ayaa u sheegay  Goobjoog News uu u sheegay in culimada joogaan INJI oo aheyd Madaxtooyadii ee Galmudug, wasaaradda waxbarashada iyo agagaaraha Isbitaalka Xanaano ee magaalada Dhuusamareeb, ciidamada ayaana kawada dhaqdhaqaaqyo goobaaas.

Sidoo kale Ciidamada Ahlusunna ayaa horay u soo baxay deegaanada Matabaan oo gobalka Hiiraan ah, Guriceel iyo deegaanka Ceeldheer oo gobalka Galgaduud ah, waxaana jira cabsi shacabku ay ka muujinaayaan in lagu dhex dagaalamo madaama magaalada ay kuwada sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ahlusunna iyo madaxdooda.

Is eedeyn ayaa socotay maamlmahan, Ahlu sunna waxaa ay dowladda federaalka ku eedeysay in ay uga baxday heshiis ay la galeen oo ku aadan dhismaha iyo saamiga ay ku yeelanayaan maamulka cusub ee Galamudug, oo dhismihiisa uu ka socdo magaalada Dhuusamareeb,  sidoo kale wasiirka wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Ahlusunna ay hortaagan tahay dhismaha Galmudug.

Goobjoog News