U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Magaalada Marka?

Sheeko:Amniga

Waxaa deganaansho laga dareemayaa magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo xalay uu ka dhacay dagaal ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday gaadiid.

Ururka Al-shabaab ayaa werar lama filaan ah ku qaaday saldhig ay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14 October ku lahaayeen magaaladaasi, waxaana dagaalka uu socoday ku dhowaad 30 daqiiqo.

Taliyaha Ururka 4aad Guutada 14 Oktoober Dhamme Cismaan Maxamed Muuse ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay iska difaaceen, sidoo kalena khasaare culus soo gaarsiiyeen.

Weli waxaan si rasmi ah loo hayn khasaaraha rasmiga ah ee Labadan dhinac kasoo kala gaaray dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Marka.

Dhanka kale, ciidamada dowladda federaalka ah ayaa maanta waxay howlgal ballaaran ka wadaan duleedka magaalada Marka, mana jirto faah faahin ay saraakiisha xoogga daka ka bixiyeen howlgalkaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News