U bood dhigaalka

Waa Sidee Xaaladda Somaliland?

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah waxaa aad u deggan xaaladda deegaanno badan oo kamid ah Somaliland, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dibadbaxyo rabashado watay.

Wararka maanta aan heleyno waxay sheegayaan in xaaladdu deggan tahay, islamarkaana xisbiga Wadani oo taageerayaashiisu banaanbaxayeen loogu baaqay iney dibadbaxyada joojiyaan.

Cabdilaahi Geel Jire oo ah Xoghayaha abaabulka iyo wacyi gelinta Xisbiga Wadani ayaa sheegay in ay maanta baajiyeen dibadbaxyo ay dhigi lahaayeen taageerayaashooda.

Waxaa jiray wadahadallo ay yeesheen hoggaanka xisbiyada UCID, Wadani iyo xubno ka socday xukuumadda Biixi, taasi oo keentay in maanta xaaladdu degto.

Xukuumadda ayaa xabsiga dhigtay mas’uuliyiin sare oo xisbiga Wadani ah, sidoo kalena waxa ay la wareegtay xarumo xisbiga Wadani ku lahaa deegaannada Somaliland qaarkood.

Waxaa jira rasaas ay fureen ciidanka Booliiska Somaliland oo waxyeello u geysatay dad shacab ah, islamarkaana ka mid ah taageerayaasha Wadani.

Goobjoog News