U bood dhigaalka

Waa Tuma Muna Al-sharmaani, Geesiyadda Leh Abaalka Kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya?

Sheeko:Amniga

Iyada oo maalin kadib, 12-ka bishan October la sugayo natiijada maxkamadda cadliga adduunka ICJ ee kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya, Muqdishana ay isku diyaarineyso guul ay ka gaarto guud ahaan dacwada ayaa waxaa soo baxaya sheegasho guusha iyo cidda leh abaalka natiijadaas oo qiimo weyn u leh Soomaaliya.

Haddaba, Sooyaalka kiiska waxaa uu na tusayaa in gabadha Soomaalida ah ee Muna Maxamed Al-sharmani ay tahay halyey u qalanta in la siiyo abaalmarinta kiiska, loogana mahadceliyo.

Muna Al-sharmani, waa gabar Soomaaliyeed oo heer sare ka gaartay qanuunka caalamiga iyo dhaqaalaha, inkasta oo maamulka Farmaajo uu shaqada ka diray hadana waxay aheyd qofkii lahaa maskaxda iyo hindisaha in kiiska baddaba gaar ahaan dhulka ay Kenya muranka gelisay ee xadka la geeyo Hague, oo weliba difaaca gashay.

Goobjoog News, waxay Muna Al-sharmaani u aqoonsatay shakhsiga leh abaalka iyo mudnaanta guusha kiiska badda.

Haddaba, Waa Tuma Halyeyga Kiiska Badda Muna Al-sharmaani

Muna Maxamed Al-sharmani, waxaa ay PhD iyo MA ka heysataa xiriirka caalamiga iyo dhaqaalaha iyada oo wax ka dhameysay Jaamacadda the Johns Hopkins sanadkii 2, 000, waxaa ay sidoo kale Master-ka qanuunka ka dhameysay, gaar ahaan maalgelinta caalamiga ah ee Jaamacadda Harvard Law School, isla taqasuska qaanuunka ayey ka diyaarisay Jaamacadda Qaahira gaar ahaan kuliyadda qaanuunka intii u dhaxeysay 1985-1989-kii.

Dhanka shaqada, Muna Al-Sharmani waxaa ay la shaqeysay in ka badan 20 sano, oo kaaliye sare ka aheyd Weil, Gotshal & Manges LLP oo ah hey’ad 90 sano shaqeysa, oo abuukaateyaal badan leh, waxaa kale oo ay la shaqeysay  King and Spalding oo isla qaanuunka ah.

Muna oo afaf badan ku hadasha, waxaa wax laga weydiiyaa takhasusaad badan sida Bangiyada, Dhaqaalaha islaamiga ah, Hantida gaarka loo leeyahay iyo arrimo kale.

Al-sharmaani waxay horay usoo noqotay Attaché xagga qanuunka ee wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya qaramada midoobey ee  New York.

Gabadhan Soomaalida ah ee Muna, sida aan sheegnay waxa ay aheyd qofkii lahaa hindisaha in maxkamadda la geeyo dacwad ka dhan Kenya, iyada oo aragtay damaca ah in goobtaas ay Nairobi baaris ka waddo, shirkado heshiis kula gashay, isana siisay, oo weliba ay Hague u gudbin doonto in dhulka leedahay.

Muna ma aamusin oo tallaabo ayey qaadday, iyada oo ka shaqeysa hey’adaha badaha ee UN-ka ee UNCLOS ayey madaxdii xilligaas sida wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Xaaji iyo madaxweyne Xasan Sheekh kula kulantay New York,  lana wadaagtay xog aheyd in Kenya ay waddo qorshe ay ku qaadaneyso badda.

“Baddaas marka aan wasiirka ahaa, New York  aniga oo jooga ayaa gabadha Muna Sharmani la yiraa oo filmy-geega saaxiib nahay ay iigu timid Hotel, cabbaar baanu sheekeysanay, waxaan ku iri, eeddo maxaad qabataa? Waxay igu tiri qolodaas ayaan la shaqeeyaa UNCLOS, hey’addan UNta ee badaha, Ka waran ayaan ku iri baddii Soomaaliya? Waxay igu tiri: Baddii Soomaaliya Eeddo waa la heystaa, waxaan ku iri, Yaa heysta? Saddex dal ayey ii sheegtay Yemen, Seychelles iyo Kenya, waxaan ku iri, Maxaan ka qaban karnaa? Waxay tiri, waan akhriyey application Kenya soo qortay ayaa jira oo sanadka February 14-keeda la eegi doono, haddii la eego oo aan laga hor imanin, application-kaas waa u soconayaa, baddii sidaas ayey ku tageysaa, aad ayaa ula sheekeystay, UNCLOS ayey ii geysay..sidii ayey iigu sheegeen, waan soo noqday Xasan Sheekh ayaan u imid, madaxweyne sidaas ayaa jirta ayaa ku iri”  Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Fowsiyo Xaaji Aadan.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu si dhab ah u qaatay hadalka Muna Al-Sharmani, waxaa uuna bilaabay wacyigelinta shacabka, isaga oo Muna ka dhigtay lataliyaha madaxweynaha, waxyna qeyb ka  noqotay wada hadallada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ee arrimaha badda, markii uu dacwda geeyey International Court of Justice (ICJ), ee Hague, Muna waxaa uu ka dhigay wakiilka Soomaaliya ee dacwada badda.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News