U bood dhigaalka

Waalidiin Soomaaliyeed Oo Ka Warbixiyey Dhibaato Caruurtooda Ku Haysata Tanzania.. Baaqna U Diray DFS

Sheeko:Dalka

Waalidiin Soomaaliyeed oo caruurtooda ay ku xiranyihiin dalka Tanzania ayaa ka codsaday dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kala hadasho siideynta Ilmahooda Tanzaina.

Waxay ay sheegeen waalidiintaa Soomaaliyedd in aysan arkin Caruurtooda muddo ku dhow 8 sano, waxayma ku xiranyihiin dalka Tanzania oo ka mid ah dowladaha ku yaallo qaaradda Afrika.

Waalidiinta ayaa tilmaamay in xabsiga ay kaga xiranyihiin Imahooda Tanzania ay ku haysato xaalado bani’aadannimo aad uu daray, waxayna intaasi ku dareen in qaar ka mid ah dhallinyarada ku xiran xabsiga ay waayeen qeybo ka mid ah jirkooda.

Dhallinyarada ayey sheegeen in maalin walba loo geysto Jirdil isla markaasna lagu fasho beeraha oo laga dhigtay adooman.

Xabsiga ay ku jiraan kama helaan xaquuqda Maxbuusnimo waxaa loo geystaa tacadiyo ka dhan ah xaquuqda bani’aadannimo sida uu sharraxayo Maxamed oo dhowaan ka soo baxay xabsi ku yaallo Tanzaina.

“Annaga meesha waxaan ku xirneyn labo bilood, labadaas bilood waxay nala aheyd labo sano ka badan, maxaad maleyn kartaa qof sideed sano ku xiran, meesha waxaa ka jira rafaad badan  oo ah dhinacyada raashinka iyo jiifka, waxaa la isku falaa beeraha”.

Tanzania ayaa ka mid ah wadamada  ay ku xiranyihiin dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo kala kulma xabsiyada tacadiyo ka dhan ah bani’aadannimada.

Goobjoog News