U bood dhigaalka

“Waan U Qalanaa Sanadkii 3aad Oo Xariir Ah In Aan Ku Guulaysano Horyaalka Soomaaliya”Yuu Cali

Sheeko:Cayaaraha

Tababaraha kooxda kubbadda cagta Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in kooxdiisa ay u qalanto hanashada horyaalka Soomaalya sanadkii 3aad oo xariir ah maadaama labadii sano lasoo dhaafay ay iyaga hanteyn horyaalka kubbadda cagta dalka.

Wareega 1aad ee horyaalka Somalia Premier League ayaa la soo gabagabeeyay bishii April kooxda Dekedda ayaa wajiga kowaad qasaartay hal kulan oo qura,iyadoo ciyaartaa 1-0 ay guul daro kala kulantay xidigaha kooxda ciidanka xooga ee Horseed Sports Club.

“Wareega 1aad waxaan luminay hal kulan oo muhiim inoo ahaa,balse guul daraas waxaan ka baranay wax badan ciyaartooyda iyo shaqaalaha kooxda waxa ay qaateen kulamo is xig xiga,iyagoo si wadajir iskugu raacay in aan diirada saarno in aysan dhicin guul daro kale”ayuu Goobjoog u sheegay Tababare Yuusuf Cali Nuur.

Yuu-Cali oo xilka macalinimo ee kooxda Dekedda la wareegay bishii October 2016 ayaa sameeyay rikoor wanaagsan,isagoo Dekedda u qaaday labo jeer oo isku xigta horyaalka Soomaaliya iyo koobka Somali Super oo loo dhigo in ay wada dheelaan kooxaha ku guulaysta koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle  iyo Somali Super Cup.

“Alx Allah ayaa mahad is kaleh oo ii suura geliyay in aan ku guulaysto koobkaas muhiimka waxayna kooxda u galaysaa tariikh maadam mudo ka dib ay ku soo laabtay saaxada hanashada tartamada kubbadda cagta waxaan u mahad celinayaa dhamaan ciyaartooydii kala duwaneyd ee ka qeyb qaatay guulahaas tariikhiga ah tan iyo 2016”ayuu yiri tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) ugu waramay Goobjoog Sports.

Kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa iminka ku jirta kaalinta 1aad ee kala sareynta horyaalka Soomaaliya waxayna lee dahay 26-dhibcood,balse sanadka waxa ay loolan adag kala kulmaysa kooxaha kala ah Horseed,Heegan,Elman iyo Muqdisho City Club.

“Horyaalka iminka waaxa uu marayaa meel xasaasi ah dhamaan kooxaha ka qeybgalaya waxa ay doonayaan in ay ku guulaystaan,balse anaga waxaan diirada saaraynaa sidee aan sanadka 3aad oo xariir aan ugu guulaysan la heyn” ayuu Yuu Cali u sheegay Goobjoog.

Halkan Ka Daawo Tababraha Kooxda Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) Oo U Waramay Goobjoog

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/336502077059442/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle