U bood dhigaalka

Waan Waan Nabadeed Oo Laga Dhexe Billaabay Beello Ku Dagaallamay Gobalka Nugaal

Sheeko:Dalka

Wafdi isugu jira Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin, waxgarad iyo Ganacsato ayaa ku baxay deegaanka Magacley ee gobalka Nugaal, halkaasi oo ay ku dagaallameen Beello wada degan deegaankaasi.

Wafdigani waxaa hogaaminaya Islaan Bashiir Islaam Cabdulle waxaana ay durba billaabeen markii ay deegaankaasi gaareen in kulamo ay la yeeshaan dhinaycadii dagaallamay.

Gudoomiyaha degmada Burtinle ee gobalka Nugaal Maxamed Maxamuud Axmed oo wafdigaan la socda ayaa u sheegay Goobjoog News, in soo dhaweyn wanaagsan kala kulmeen shacabkii deganaa deegaanka Magacley.

“Shacabkii banaanka magaalada ayeey inooga horyimaadeen, waxaan aragnay in dadku diyaar u yahay in la xalliyo wax walba oo jira, sidoo kale waxay qirsan yihiin in wixii dhacay ahaayeen kuwo aad iyo aad loogu fududaaday, haddana nabadda ayeey rabaan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Wafdigaan ku howlan nabadeynta waxaa ka mid ah waxgarad ka tagay deegaanada Jubbaland, kuwaa oo u baxay sidii lagu xallin lahaa wax walba oo dhinacyadaan dagaallamay soo kala gaaray.

Goobjoog News