U bood dhigaalka

Waare Oo La Kulmay Xubno Ka Socday QM

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed C/waare oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta waxay magaalada B/weyne kula kulmeen madax ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan qeybta qaabilsan Hirshabelle.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin fulinta mashaariic dhanka horumarinta bulshada oo ay ka fulinayaan hay’adda Qaramada Midoobay Hirshabelle.

Kulankan ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay C/laahi Axmed Maalin oo ah guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in xubnahan ka socda QM ay u ballanqaadeyn fulinta mashaariic hormarineed oo ay ugu horreeyaan warashado yar yar oo dhallinyarada shaqo la’aanta looga saarayo.

“Wafdigan inoo yimid iney hoos inagala soo dhisaan mashruuca warshadaha yar yar loogana faa’ideysto dhanka dhallinyarada si shaqo la’aanta iyo baahida looga saaro, waxaan uga faa’ideysan doonnaa dhallinyarada aan shaqada hayn, haweenka iyo bulshada danta yar” ayuu yiri guddoomiyaha Hiiraan.

Madaxweyne Waare oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in mashruucaan warshadeynta qeybtiisa ugu horreyso laga furayo magaalooyinka Jowhar iyo B/weyne.

“Aad ayeey farxad inoo gelineysaa inaad nasoo booqataan, waxay u yimideen in Hirshabelle ka daahfuraan mashruuc loogu talogalay in lagu dhiso xirfadaha dhallinyarada soo koreysa, warshaduhu waxay u baahan yihiin xirfadlayaal badan” ayuu yiri Waare.

Madaxdii ka socotay QM ayaa iyaguna sheegay in xilli walbo ay diyaar u yihiin iney ka qeybqaataan horumarinta shacabka ku dhaqan deegaannada Hirshabelle.

Goobjoog News