U bood dhigaalka

Waare Oo Mooshin Xil Ka Qaadis Ah Laga Diyaarinayo

Sheeko:Dalka

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle, ay mooshin xil ka qaadis ah ka diyaarinayaaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaanno u badan kuwa wasiirada ah ayaa lasoo sheegayaa in Jowhar ay ka wadaan abaabulka mooshinkaan, iyaga oo ku eedeynaya Waare waxqabad la’aan.

Mudanayaasha mooshinkan wada ayaa ka badan 30 xildhibaan, waxaana la ogeyn sida ay wax ku dambeyn doonaan.

Dhanka kale, waxaa jira xildhibaanno kale oo Hirshabelle ah, islamarkaana kasoo horjeeda mooshinkan, sheegayana in loo baahan yahay badbaadinta shacabka Hirshabelle, bedalkii mooshin lagu mashquuli lahaa.

Waxay sheegayaan mudanayaashan in Hirshabelle aanay qalqal siyaasadeed xilligan u baahneen, kaliyana dooneyso wax u qabasho shacabka ay isugu darsameen fatahaadda iyo Anyaxa.

Goobjoog News