U bood dhigaalka

Waare Oo Saraakiil Ciidan Kala Hadlay Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay Magaalada Muqdisho Afur iyo Casho Sharaf Ugu Sameeyay Qaar Ka Mid Ah Saraakiisha, iyo Sareeyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya kana Soo jeeda Deegaannada Hirshabelle, iyadoo Madaxweynaha iyo Saraakiishaasi ay iska xog wareysanayeen arrima La Xiriira Ammaanka Deegaanada Hirshabelle. Iyo Sidii si wada jir ah la isaga kaashan lahaa Ka Xoreynta Al Shabaab.

Saraakiishani iyo Sareeyeyaasha ayaa waxaa badankoodu ay ahaayeen Jeneraalo Ka Kala tirsan Ciidanka Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed, waxaana Madaxweynaha uu u faah faahiyay sida lagama maarmaanka ay u tahay in laga dulqaado Dadka Shacabka ah Kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed, qorshaha Maamulka uu ku doonayo in la isku furo Wadooyinka Hirshabelle, iyo sidoo kale Doorka Saraakiisha kaga aadan ka qeyb qaadashada arrimahaasi iyo in Waaya aragnimadooda dhinaca Ciidamada ay kaga qeyb qaataan dadaaladaasi Madaxweyne Waare uu wado ee Xoreynta deegaanada Hirshabelle.

Kulanka oo waqti  badan ayaa waxaa lagu lafa guray muhiimada ay leedahay in la iska kaashado Ammaanka Deegaannada Hirshabelle iyo Sidii Looga Dulqaadi Lahaa Deegaanada Kooxaha Argagaxisada Ay kaga suganyihiin, Waxaana Saraakiisha oo muujiyay sida ay u garab taaganyihiin Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna diyaar u yihiin waaya aragnimadooda dhinaca dagaalka iyo ciidamada in ay ku garab istaagaan Maamulka iyo Shacabka Hirshabelle, Maadaama Saraakiisha badankoodu ay yihiin kuwa waaya aragnimo durugsan u leh arrimaha Ciidamada wax badan ku soo dhex jiray.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo soo Xiray kulanka ayaa kaga mahadceliyay Saraakiishaasi sida Dareenka leh ay u muujiyeen Waaya aragnimadooda iyo sida diyaarka ay u yihiin in ay la shaqeeyaan Maamulkooda, waxaana sidoo kale uu sheegay in kulamada noocaan ah uu sii wadayo islamarkaana ay iska wareysan doonaan Saraakiisha kale hinaca ammaanka maadaama uu yiri muhiim ay tahay In laga faa’ideysto Waaya aragnimadooda.

Maxamed Cabdi Waare ayaa Tan iyo Markii la doortay waqtigiisa ugu badan galiyay Dhinacyada ammaanka iyo sidoo la isugu furi lahaa Wadooyinka xiran si bulshada Go’doonka ku jirta looga dulqaadi lahaa Argagaxisada oo noloshii u diiday, waxaana shirar badan oo arrimahani lagu xoojinayo uu la qaatay Saraakiisha ugu Sareysa AMISOM Iyo Ciidamada Qalabka Sida, waxaana heer gaba gaba ah maraya fulinta howlgal culus oo lagu Ciribtirayo Kooxahaasi, iyadoo qaarkood hadaba ay ka socdaan Deegaannada Hirshabelle, kuwaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Dadka Deegaanka.