U bood dhigaalka

Waare Oo Sheegay In Fursado Shaqo Siin Doonaan Dhallinyarada Kasoo Laabata Fikirka Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in howlgallo ay kula dagaallamayaan Al-shabaab ay ka bilaabeen deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

Waxa uu sheegay Waare inaan loo dulqaadan karin in Al-shabaab dilaan shacab aan waxbo galabsan iyo sidoo kale in jidadka laga xiro dadka shacabka ah.

“Waxaad la socotaan inuu bilowday howlgal lagula dagaallamayo Al-shabaab, waxaad ogtihiin in jidadkii laga xiray dadka shacabka ah, lana dilo shacab aan waxbo galabsan” ayuu yiri Waare.

Dhanka kale, Madaxwene Waare ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay soo dhoweeyaan dhallinyarada ka barbar dagaallanta Al-shabaab, ayna siin doonaan fursado shaqo.

“Waxaan diyaar u nahay inaan soo dhoweynno ilmahaas la qalday, soo dhaqan celinno, shaqo u abuurno, farsamo barno, diinta saxda ah oo aan ku dhallanay oo aan ku dhaqanno barno, xitaa iney askar inoo noqdaan ayaan diyaar u nahay” Waare ayaa mar kale sidaasi yiri.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxay maalmahan dambe ka wadaan deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News