U bood dhigaalka

Waare ”Walaac Ayaan Ka Qabnaa Xaaladda Murugsan Ee Galmudug”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa hadlay xaaladda Galmudug oo uu sheegay in haatan ay meel adag mareyso.

Wuxuu sheegay in ka maamul ahaan aanay marnaba diyaar u ahayn in Galmudug ay sii ahaato sida ay hadda tahay, wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan ay ku baaqayaan in laga shaqeeyo wanaagga Galmudug.

Waare ayaa soo hadal qaaday dhibaatooyin kusoo kordhay wadada xiriirisa Hiiraan iyo Galgaduud, isaga oo sheegay in ka maamul ahaan aysan u dulqaadaneyn in wadadaasi xiranto.

“Dadka ku nool Hirshabelle, gaar ahaan Hiiraan waxa ay walwal ka qabaan xaaladda murugsan  oo cakiran oo isku qasan oo ka jirta Galmudug, Koonfur annaga oo saas ula tacaaleyno iney waqooyi inaga xiranto ma yeeleyno, waxa alle iyo wixii ka qeybqaadanaya in meeshaas tafaraaruq ka yimaado, in lagu dagaallamo inuu Shabaab soo galo, in dad walaalo ah is dilaan oo siyaasadeysan, annaga doorasho waxbo nagama gelin, maamul waxbo nagama gelin, jidkaas dhuunteenna waaye, ma aqbaleyno jidkaas inuu xirmo, dadka walaalaha ah ee ku nool Galmudug waxaan ugu baaqeynaa iney si walaaltinimo ah, sidii Soomaalida wax ku dhaqi jirtay, sidii la isku xigay in la fiiriyo, Xamar culeyska ka jira oo xildhibaan, Senator ama dowladda leh waxaan leeyahay ilaahay ka cabsada oo barakada soonka fiiriya, umaddaasi waxay u baahan tahay in la kala dhexgalo, in la qaboojiyo, in la wanaajiyo, uma baahna siyaasad, uma baahna olole doorasho, waxay u baahan tahay dad heshiis ah” ayuu yiri Waare.

Ugu dambeyn, madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Galmudug ay u baahan tahay dib u heshiisiin ee aysan u baahneyn in lasii huriyo xiisadaheeda siyaasadeed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada