U bood dhigaalka

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafado ka tirsan Jowhar

Sheeko:Dalka

Fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle ee magaalada Jowhar ayaa saameyn ku yeeshay shacabka ku nool qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in biyo kor-shubka uu sameynayo wabiga Shabeelle ay saameeyeen qoysas badan oo ku dhaqan magaaladaasi kuwaas oo xalay aan hurdin.

Qoysaskani ayaa sheegay in guryihii ay deegaansanayeen ay buux dhaafiyeen biyo fara badan oo sababay in uu cuslaado isu socodka dadka, gaadiidka iyo adeegyo kale oo bulshada ah.

Maamulka degmada Jowhar ayaa walaac ka muujiyay fatahaada uu wabigu ka sameeyay nawaaxiga degmadaasi.

Xaafado ka mid ah degmada Jowhar ayaa lagu arkayaa biyo soo gelaya taas oo ay walaac ka muujiyeen dadka ku nool degmada Jowhar iyo nawaaxigeeda.