U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Go’doon Geliyey Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe Kadib Markii Uu Fatahay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in wabiga Shabelle uu fatahaad ku sameeyay deegaanno badan oo ka mid ah gobolkaasi, iyadoo lasoo sheegayo inay jiraan deegaanno go’doon galay.

Tuulada Bayxaaw waxay ka mid tahay meelaha uu ku fatahay Wabiga Shabelle, waxaana maamulka Tuuladaasi sheegayaa in hadda aanay jirin waddooyin ay isticmaalaan.

Gudoomiyaha degmadaasi Xaamud Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda aanay jirin waddo ay soo maraan marka ay usoo socdaan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha inay sii xoogeysatay fatahaadda, islaamarkaana meelihii uu Wabiga kasoo fatahay ay sii weynaadeen.

“Buqdii wey sii weynaatay, wabiga hadda go’doon buu na geliyey waddooyin aan ka baxno ama meel gaadiid inoo soo maro malahan, ilaa hadda ma jirto cid xitaa kasoo wardoontay xaaladeenna” ayuu yiri guddoomiyaha Tuulada Bayxaaw.

Waxaa jira tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe oo sidaan oo kale u go’doomiyeen biyaha kasoo fatahay Wabiga Shabelle.

Goobjoog News