U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Deegaanka Xawaadley Ee Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Khasaare hantiyeed ayaa ka dhalatay fatahaad Wabiga Shabelle uu ku sameeyay deegaanka Xawaadley oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Balcad ee gobalka Shabellaha Dhexe.

Fataahadda ayaa deegaankaasi ku socotay muddo dhan 30 cisho, waxaana halkaasi ku baaba’ay dalag beereed badan.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Balcad Jaalle Maxaas Jiimbaar oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in deegaanka Xawaadley ay kusoo arkeen xaalad adag oo dhanka nolosha ah, dadka qaarna ay ka barakaceen guryahooda.

Waxa uu tilmaamay gudoomiye ku xigeenka in deegaankaasi ay ka taagan tahay dhibaato middii ugu darneyd, isaga oo ku baaqay in dadkaasi loo gurmado.

“Dadkaan ku dhaqan deegaanka Xawaadley xaaladda ayaa ku adag, 30 maalin ayeey biyaha ku socdaan, waxaan ku baaqayaa in dadkaan masaakiinta ah wax loo qabto, kuwa isku sheegaya hay’adaha ma aragno wax ay qabtaan” ayuu yiri Jaalle Maxaas Jiimbaar

Roobka xilliga deyrta ah oo ka billawday gobalada dalka ayaa sababay in deegaanno badan uu kusoo fataho Wabiga, halkaasina ay ka dhalato khasaare hantiyeed.

Goobjoog News