U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Ka Mid Ah Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wabiga Shabelle ayaa fatahaan ku sameeyay deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hosee, iyadoo lasoo sheegayo in deegaanada qaar laga barakacayo.

Deegaanada ugu daran ee Wabiga uu ku fatahay waxaa ka mid ah Baladul-amiin iyo sidoo kale Mareerey, waxaana la sheegay in Biyaha fatahay ay dhaafeen Beeraha, ayna galeen qaar ka mid ah xaafadihii.

Gudoomiyaha deegaanka Mareerey Sayi Baalle Mayow ayaa u sheegay Goobjoog News, in dalagyadii kala duwanaa ee ku beernaa beeraha ay baaba’een, islamarkaana hadda dadka qaar ay ka barakacayaan xaafadahoodii oo biyaha soo galeen.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee deegaanka Baladul-amiin Jeylaani Muuse Abiikar, ayaa isna u sheegay Goobjoog News, in hadii aan degdeg wax looga qaban xaaladda hadda jirta in ay biyuhu meelo badan saameyn ku yeelan doonaan.

Waxaa jira deegaano kale oo ka mid ah gobalka Shabellaha hoose oo qatar ugu jira in Wabiga uu ku fataho, iyadoo weli aanay muuqan gurmad looga hortagayo fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabelle.

Goobjoog News