U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Wabiga Shabelle uu ku fatahay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Meelaha ugu daran ee Wabiga uu ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah deegaannada Lebiga iyo Xaanshooley oo wax ka yar 3-km u jira magaalada Jowhar.

Dhanka kale, biyaha kasoo fatahay Wabiga ayaa jaray gabi ahaanba wadada isku xirta Jowhar iyo Mahadaay.

Dadka qaar ee ku dhaqan deegaannada uu Wabiga ku fatahay ayaa billaabay in halkaasi ay isaga barakacaan.

Marka la gaaro xilli roobaadka, sanad walbo sidan oo kale ayuu Wabiga Shabelle ugu fatahaa deegaannada uu dalka ka maro.

Goobjoog News