U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Ka Tirsan Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in Wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyey deegaanka Mubaarak ee gobolkaasi iyo deegaanno kale oo ku dhow.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Hal qof uu ku dhintey fatahaaddan kadib markii ay daadadku la tageen, iyadoo sidoo kale ay baab’een dhul beereed kale.

Sidoo kale, qofkan aan la hadalnay ayaa sheegaya in uu jiro barakac ay sameynayaan qaar ka mid ah shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Mubaarak, si aanay u saameyn noloshooda fatahaaddan.

Wabiga Shabelle ayaa horey fatahaad uga geystay deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxaana uu saameeyey Kumanaan qoys.