U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Ka Tirsan Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wabiga Shabelle ayaa lagu soo waramayaa in xilligan uu ku fatahay deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Fatahaaddan ayaa saameysan beeraley ku dhaqan halkaasi, waxaana deegaannada Wabiga ku fatahay kormeeray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Shabellaha Hoose.

Ibraahim Aadan Cali Najax, guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose iyo xubno la socday oo gaaray halkaasi ayaa ka qeybqaatay biyo celin laga sameynayey deegaannadaasi qaarkood.

Guddoomiye Najax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xirista illaa Afar meel oola sheegay  in Wabiga uu markii hore soo jabsaday, balse wuxuu tilmaamay in dadku gurmad u baahan yihiin.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay iney wadaan qorsheyaal kale oo loogu gurmanayo shacabka uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle.

Wabiga Shabelle oo mara gobollada Hirshabelle iyo Sh/hoose ayaa ku fatahay deegaanno dhowr ah oo ka mid ah Saddexda gobol, wuxuuna saameeyey dadkii ku noolaa deegaanadii uu ku fatahay.

Goobjoog News