U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Ku Dhaw Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in Wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyay deegaanno ku dhaw degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose.

Wabiga ayaa ku fatahay tuulooyinka kala ah Araar Moog, Aw-gooye, Irdoole, Xaartooy, Warta Sagaal Gacal iyo deegaanno kale.

Wabiga oo Roobab badan ay ku da’een ayaa la sheegay in biyo badan uu keenay, taasi oo keentay in halkaasi ay ku baaba’aan dalag beereed badan.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Tuulooyinkaasi ayaa billaabay inay ka fogaadaan halka Wabiga uu fatahaadda ka sameeyay, iyadoo dhinaca kale uu billawday dadaal la doonayo in meelaha kale ee aanu biyaha kasoo bixin lasii xiro.

Horay ayaa digniin looga bixiyay in fatahaad ay sameeyaan Wabiyada Shabelle iyo Jubba, iyadoo laga cabsi qabo in roobabka El Nino ay saameeyaan deegaanada Wabiyadani maraan.

Goobjoog News