U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Degmada Jalalaqsi Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in wabiga Shabelle uu kusoo fatahay degmadaasi, iyadoo dad badan ay xaafadahoodii ka barakaceen.

Gudoomiye ku xihgeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmadaasi Ibraahim Madoobe Nuur oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay ian ay jirto dhibaato aad u ballaaran, islamarkaana dadka ay doonayaan gurmad degdeg ah.

Degmada ayuu sheegay in markii hore ay go’doon ku jirtay haatanna wabiga uu kusoo fatahay.

“Annaga aoo go’doon ahayn ayaa Wabigii nagu soo fatahay, meel ay dadku aadaan malahan oo xaafadihii kale ayeey shacabka isugu yimaadeen, waxaa jirta Kaneeco oo laga baqayo in dadka xanuunka Duumada u keento” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Madoobe ayaa ugu baaqay cid walbo oo Soomaaliyeed, hay’adaha samafalka iyo dowladda Federaalka ah in gurmad ay lasoo gaarto dadka shacabka ah.

Goobjoog News