U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Laga Baqayo Inuu Ku Fataho Deegaanno Ka Tirsan Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay inay ka baqanayaan inuu Wabiga Shabelle ku fataho degmadaasi iyo sidoo kale deegaanno kale oo degmadaasi ku dhaw.

Maxamed Cabdulle Fiidow oo ah gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in suurta gal ay tahay in Wabiga uu ku fataho degmadooda, maadaama uu biyo badan keenay.

Waxa uu sheegay in ay hadda xaqiijiyeen in deegaanno hoostaga degmadaasi uu Wabiga ku fatahay, kaasi oo khasaare u geystay dadkii halkaasi ku dhaqnaa, lana tagay dalag beereed aad u badan.

Waxa uu tilmaamay Gudoomiye Fiidow in ay wadaan dadaallo aad u xoogan oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabelle.

“Annaga Jawaanno badan ayaan u qeybinay dadkii deegaanka, waxaan billawnay inaan carro ku xirno meelaha aan u aragno in Wabiga uu kasoo fatahi karo, laakiinse weli Jawaanada aan haysanno kuma filna in biyaha ay naga celiyaan” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaanno badan oo ka tirsan gobalada Shabellaha Hoose, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxaana inta badan uu geystay khasaare hantiyeed.

Goobjoog News