U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Laga Baqayo Inuu Kusoo Fataho Magaalada Jowhar (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Beeraleyda ku dhaqan magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa cabsi ka qaba in Wabiga Shabelle uu kusoo fataho magaaladaasi.

Cabsida waxaa keentay biyaha Wabiga oo si xooggan ku socda, waxaana bilowday carro tuur ay sameynayaan dadka beeraleyda ah.

C/laahi Tabliiq oo ka mid ah beeraleyda Sh/dhexe ayaa u sheegay Goobjoog News, in dedaal xooggan ay wadaan, laakiinse ay ka baqayaan in biyaha ay kasoo dul boodaan carro tuurka ay wadaan.

Sidoo kale, C/laahi ayaa sheegay gurmadkan ay wadaan oo kaliya dadka shacabka ah, oo aanay jirin cid maamulka Sh/dhexe ah oo ka qeybqaadanaya carro tuurkan.

Wabiga Shabelle oo biyo badan keenay ayaa ku fatahay deegaanno qiyaastii 3-km u jira magaalada Jowhar ee Shabellaha Dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News