U bood dhigaalka

Wada Hadal Laga Gelayo Halka Lagu Qabanayo Shirka Maamul u Sameynta Sh/dhexe Iyo Hiiraan

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamed Maxmuud Goodir oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaga oo safar ku jooga magaalada Baladweyne, waxa uu faah faahin ka bixiyay kulamo ay magaaladaasi kula yeesheen qaar ka mid ah waxgaradka Hiiraan.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in waxgaradka ay la kulmeen ay codsiyo soo jeediyeen, waxaana uu sheegay in ay doonayaa in magaalada Baladweyne lagu qabto shirka maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Waxa uu sheegay sidoo kale in dadkii ay la kulmeen ay sheegeen in ay doonayaan in dhanka caasimadda maamulka la sameynayo ay dhanka Hiiraan aaddo.

Dhanka Shabellaha Dhexe ayuu sheegay xildhibaanka in waxgaradka ku sugan ay iyaguna qabaan rabitaan ah in shirka lagu qabto magaalada Jowhar, balse wada hadal laga geli doono, islamarkaana iyadoo la wada qanacsan yahay meel un shirka lagu qaban doono.

“Dadka deggan Labadaan gobal aragtidooda waa isku mid, waayo waxay isku raacsan yihiin inay maamul mid ah sameystaan, wax isku darsadaan, laakiinse waxaa jirto rabitaan ah halka lagu qabanayo shirka maamulkaasi lagu dhisayo iyo sidoo kale caasimadda, qof walba rabitaan keeda ayeey muujisay, balse wada hadal markii la galo tanaasul baa imaan doona, kolley meel baana la’isku raaci doonaa” ayuu yiri Xildhibaan Goodir.

Waxgarad ku kala sugan magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne ayaa ku kala aragti duwan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Goobjoog News