U bood dhigaalka

Wada Hadal Loo Furay Beello Ku Dagaallamay Gobalada Sool Iyo Nugaal

Sheeko:Dalka

Beello dhawaan ku dagaallamay gobalada Nugaal iyo Sool ayaa loo furay wada hadal nabadeed si loo xalliyo wax walba oo lagu dagaallamay.

Guddiga xalinta dagaalladaan ayaa sheegay in Labada dhinac ee dagaallamay la’isku keenayo, islamarkaana laga wada shaqeyn doono, nabadda iyo kala dambeynta.

Guddoomiyaha guddigaas Cabdiraxmaan Diiriye Qoorad ayaa u sheegay Goobjoog in loo baahan yahay in marka hore laga wada hadlo waxyaabaha ay kala tabanayaan beelaha dagaalsan.

“Marka hore waxaa diiradda la saari doonaa waxyaabaha beelahani ay ku dagaallameen, waayo waxa la doonayo in la xalliyo ayaa arrintaasi ah, ka dib baa laga wada hadli karaa waxyaabaha kale ee jira”

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qeyb kamid ah odayaasha ay is arkeen isla markaana ay kala hadleen dagaal beeleedyadani ku soo laablaabtay gobalka Nugaal gaar ahaan degmada Burtinle iyo sidoo kale deegaanno ka mid ah gobalka Sool iyo sida lagu xallin karo.

Goobjoog News