U bood dhigaalka

Wada Hadallada Soomaaliya iyo Somalinad oo Fashilmay

Sheeko:Dalka

“Somalinad ma dooneyso in ay ku biirto Soomaaliya”, erayadaas oo ka mid ahaa khudbadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa meesha ka saaray qodobka ugu muhiimsan ee dowladda federaalka ah dooneysay ee ahaa in midnimada in daro ajendaha shirka Djibouti.

Wafdiga Somaliland ayaa ku adkeystay in ajendaha laga saaro ka hadlidda midnimada, laguna koobnaado arrimaha kale ee khilaafka.

Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa goobta ka sheegay in midnimo ay tahay halka ay ka bilaabato xalka, oo ajendaha lagu daro, kadibna laga wada hadlo wax kasta.

Wararka ayaa intaa ku daraya in madax ay ku jiraan ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo safiirka Mareykanka Ambassador Donald Yamamoto ay layaab ku noqotay go’aanka Muuse Biixi oo horay ugu sheegay hadallo dabacsan.

Shirka oo ka koobnaa wejiyo badan ayaa la sheegayaa inuu ku burburay wejiga ugu horeeyey haddana la diyaarinayo war murtiyeed ceeb astur ah oo lagu ammaani doonno uun wada hadalka qabsoomay iyo martigelinta Djibouti, ayna sii wadi doonaan wada hadallada guddiyada Farsamada.

Goobjoog News