U bood dhigaalka

Wadada Isku Xirta Afgooye Iyo Deegaanka Carbiska Oo La Dayactiray

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay Dayactir ballaaran oo maalmihii ugu dambeeyay lagu sameynayay wadada isku xirta degmada Afgooye iyo deegaanka Carbiska ee Shabellaha Hoose.

Cabdiqani Yuusuf Axmed oo ah gudoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya iskaashatada gaadiidleyda in ay fuliyeen dayactirkaasi, maadaama gaadiidka dhibaato badan uu ku qabay isticmaalka wadadaasi.

“Anaga oo kaashanayna gaadiidleyda Afgooye waxaan ku guuleysanay in la dayactiro wadada isku xirta Afgooye iyo Carbiska, waxaan wadnaa dadaallo badan oo wadooyinka dadka istcimaalaan lagu hagaajinayo” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Sidoo kale Gudoomiye Cabdiqani ayaa sheegay in marka ay dhamaato bisha Barakaysan ee Ramadaan laguda geli doono dayactirka wadooyin badan oo soo gala degmadaasi.

Goobjoog News