U bood dhigaalka

Wadada Isku Xirta Afgooye Iyo Wanlaweyn Oo Amni Darri u Xirantay

Sheeko:Amniga

Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in gabi ahaanba ay xirantay wadada isku xirtay degmadaas iyo degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Maxamed C/laahi Cumar oo ah guddoomiye ku xigeenka maaliyadda ee degmada Wanlaweyn ayaa Goobjoog u sheegay in wadadan aysan isticmaali karin gaadiidka dadweynaha.

Waxa uu sheegay in wadadaasi shacabka lagu gumaado, islamarkaana ay yaalaan isbaarooyin badan.

Dadka ayuu sheegay iney ka go’een wadadaasi maadaama dhibaatooyin badan kala kulmaan.

“Wadadaasi shacabka ayaa lagu gumaadayey, marka weyba iska joojiyeen iney maraan, dadka waa la dilaa, la dhacaa, waxaana mararka qaar la kufsadaa haweenka” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Dhanka kale, Maxamed C/laahi ayaa sheegay in wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka ku wargeliyeen arrintan balse aanay weli waxbo laga qaban.

Goobjoog News