U bood dhigaalka

Wadahadallada Jabuuti Ee Soomaaliya iyo Somaliland: Yaa Guuleystay Yaase Khasaaray?

Sheeko:Dalka

Shir madaxdeedka ka dhacay Djibouti waxaa durba kasoo ifbaxaya sida dhinacyado ugu kala guuleysteen tartanka diblomaasiyadda.

Warmurtiyeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Djibouti ee ku saabsan shirkii u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in “labada dal ee Soomaaliya iyo Somaliland ay ku heshiiyeen inay dib u soo nooleeyaan wadahadalkii ku saabsanaa xiriirkooda”

Hadalkaas ayaa guul weyn oo siyaasadeed u ah Somaliland, oo ka sokow fagaaraha caalamiga ah ee ay maanta kusoo bandhigtay qadiyaddeeda, haddana sii xoojinaya mosqifkeeda.

Dhanka kale, in laba dal lagu sifeeyo labada dhinac waxay waji gabax ku tahay maamulka Madaxweyne Farmaajo, kaas oo laga filayay inuu guulo waaweyn soo hooyo.

Wadahadalkan oo si weyn loo filayay ayaa hadda u muuqda kuwa ku laabtay meeshii ay awalba marayeen oo aheyd in guddi farsamo lagu celiyo.

Dhanka kale, Djibouti ayaa laba guulood oo waaweyn gaartay. Waa marka horee, waxay indhaha warbaahinta ka weecisay mudaaharaadyadii dhawaan ka socday halkaas ee la xiriiray duuliyihii la xiray.

Waa marka labaade waxay Djibouti indhaha caalamka mar kale kusoo jeedisay inay tahay dal hormuud ka ah nabadeynta Geeska Afrika. Sawirkaas ayaa wuxuu gacan weyn ka geysanayaa ololaha ay Djibouti ugu jirto kamid noqoshada Golaha Amniga Qaramada Midoobay, oo ay kula tartameyso Kenya.

Goobjoog News