U bood dhigaalka

Wadanka Koongo oo Kiiskii Ugu Horeeyay Ee Cudurka Coronovirus ah Laga Helay

Sheeko:Caalamka

Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Koongo ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka coronavirus ah.

Cudurka ayaa laga helay nin 50-sano jir ah oo ka yimid magaalada Paris waxaana la sheegay in lakarantiilay isaga xaaskiisa iyo gabadhiisaba.

Cururkan oo markiisi hore kasoo bilaabowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa ku faafay meelo badan oo aduunka ah,isagoo waxyeeladiisana ay aad u badatay.

5,844 qof ayaa u dhimatay Adduunka oo dhan iyadoo 157, 300 oo qof uu hayo  cudurka,

Dalal badan oo Adduunka ah ayaa dalalkooda kusoo rogay xaalad deg deg ah si loo xakameeyo cudurka.

Goobjoog News