U bood dhigaalka

Wadayaal gaadiid oo amni darri awgeyd la shaqeyn la (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wadayaasha gaadiidka ee ka shaqeeya deegaanada hoos taga degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in amni xumi ay ka jirto deegaano badan, waxaana ay sheegeyn in halis ay ku tahay howlaha shaqo ee ay hayaan.

Wadooyinka qaar ayeey sheegeen in ay jareen roobabkii da’ay, sidoo kalena meelihii la mari lahaa aysan amni ahaan u wanaagsaneyn oo rag hubaysan ku dhibaan gaadiidka iyo dadweynaha.

Mudo laba maalin ah ayay sheegayaan in aysan shaqaysan dhibaatooyinkan isbiirsaday darteeda, waxana wadooyinka qaar ku xaniban gadiid dhawr ah.

Mid ka mid ah wadayaasha Gadiidka ayaa u sheegay Goobjoog Fm in ilaa hadda aysan hayn xal ah sidii ay ku shaqeysan lahaayeen, maadaama wadooyinka qaar ay biyo bur buriyeen, kuwii kalena amni ahaan aysan macquul ahayn in la isticmaalo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News