U bood dhigaalka

Waddo Isku Xirta Degmada Baraawe Iyo Itoobiya Oo La Dhisayo

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey  qorshe la doonayo in lagu dhiso waddo dheer oo isku xirta degmada Baraawe illaa Xuduudda dalka Iyo Itoobiya, qorshaha lagu dhisayo garoonka diyaaradaha iyo Dekadda magaaladaasi.

Wasiirka wasaaradda dekadaha maamulka K/galbeed Warsame Maxamuud Dhaqane oo u waramay Goobjoog, ayaa sheegay in dhowaan magaalada Baydhabo lagu kala saxiixday heshiiyo ku aadan fulinta mashaariicdan.

Waxa uu sheegay wasiirka in dhammaan mashaariicdan ay ku bixi doonto lacag ka badan 500-milyan oo doolar, uuna bixin doono World Bank, lana siin doono hay’ado u badan kuwo shisheeye.

Mar uu ka hadlay dhirirka wadada isku xiri doonta degmada Baraawe illaa xuduudda Itoobiya ee dhanka Ceelbarde ayuu sheegay iney gaareyso 534 KM, dhammaan mashaariicdaasina ay bilaaban doonaan bisha Ramadan kadib, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Baraawe laga soo bilaabo illaa xadka Itoobiya ee ceelbarde ilaa 534 KM jid ah iyo dekaddii iyo garoonkiiba bilaha soo socda ayaan dhismahooda bilaabeynaa, waxaa dhismahan naga caawinaya World Bank iyo qolooyin kale oo hay’do ah, jidka qolo ayaa qaadatay oo qarashkooda bixinaya, dekadda iyo Diyaaradaha qolo kale ayaa qaatay, marka waxaan soo bandhigeynaa markii ay diyaar soo noqdaan…Waqti cayiman maanay sheegin laakiin sidaan ku rajo weynnahay bishan haddii ay dhammaato midda xigta waa la bilaabayaa, lacagta wey farobadan tahay marka dhammaantood la isku daro illaa 500 miliyan oo doolar ayeey sheegeen” ayuu yiri wasiirka.

Mashruucyadan lagu dhisayo dekadda, Garoonka iyo wadadan dheer ee ka baxaysa degmada Baraawe ee Sh/hoose waxaa ka qeybqaadan doona shirkado shisheeye oo qaarkood ka dhisan wadanka Talyaaniga.

Goobjoog News