U bood dhigaalka

Waddooyinka Jowhar Oo Ay Shacabku Dhibaato Ku Qabaan

Sheeko:Dalka

Jowhar waa magaalo madaxda Maamulka Hirshabelle waxayna ka koobantahay Afar xaafadood waxaana ka mid ah xaafadda Han-wadaag oo ah qeybta ganacsiga ee magaalada.

Xilligan waxaa ka muuqanayo Magaalada Jowhar dayacnaan aad u weyn oo ay reebeen roobabka, xaafadaha iyo waddooyinka waxaa fariistay dhiiqo taasi oo keentay in ay iskaga gudbi waayaan gaadiidka iyo dadkaba.

Dadka ku ganacsada heeraraha waddooyinka oo ay saameyn xooggan uu ku reebay roobka islamarkaasna ay jiifaan biyo iyo dhiiqo ayaa waxay sheegeen in ay ku qabaan dhibaatooyin faro badan.

Biyaha roobka ayaa fariistay gudaha magaalada sida Xaafadaha iyo waddooyinka waa weyn, halka gaadiidka qaarkood ay ku dhex socdaan dhiiqada kuwa kalana la iska xareeyay ka dib markii dadkii lahaa ay uga baqeen in ay waxyeello ka soo gaarto.

Goobjoog News