U bood dhigaalka

Waddooyinka Kismaayo Oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada Jubbaland ayaa maanta waxa ay xireen dhammaan waddooyinka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dhanka kalena aad loo adkeeyey amniga magaaladaasi.

Sababta loo xiray waddooyinkan ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre la filayo saacadaha soo aaddan in uu safar ku tago magaaladaasi.

Waxaa la arkaya shacabka Kismaayo oo lugeynayana waddooyinka waaweyn maadaama la diiday iney shaqeeyaan gaadiidka dadweynaha.

Dhanka kale, waddooyinka Kismaayo ayaa lagu dhejiyey sawirrada Ra’iisul wasaare Kheyre iyo sidoo kale hal ku dhigyo lagu soo dhoweynayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News