U bood dhigaalka

Waddooyinka Magaalada Muqdisho Oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Jimco ah waxay xireen inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Waxaa la arkayaa ciidamo u badan Nabad sugid oo isgoys walbo oo ku yaalla magaalada Muqdisho ku sugan haalkaasina u diidaya inay maraan gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada ayaa xiray waddooyinka Wadnaha, Makka Al-mukarrama iyo kuwo kale oo maagaalada Muqdisho ku yaalla.

Gaadiidka ayaa isku dayaya iney maaraan xaafadaha magaalada Muqdisho, bale markii ay yimaadaan laamiyada waa laga celinayaa.

Waxaa la arkayaa shacab badan  oo lugeynaya kadib markii ay waayeen gaadiidkii ay saarnaaayeen meello ay maraan.

Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in 13-ka bishan ka furmo shir madaxeedka IGAD, waxaana kasoo qeybgeli doona madaxweynayaal gaaaraya 7.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News